Yaanu Nahay?
Website-ka XingaloolNews.com sida magiciisa ka muuqata waa bar Internet oo laga leeyahay Degmada Xingalool oo ka tirsan Gobolka Haylaan (Ex- Sanaag).
Webka Xingalool News waa website madax banaan oo aan hoos tagin Dawlad, Urur iwm, Waxa uuna webku ku saleysan yahay aragti dhexdhexaad ah, isaga oo u soo bandhiga wararka iyo dhacdooyinka sida ay yihiin.
Webku waxa uu u taagan yahay sidii uu usoo bandhigi lahaa dhacdooyinka dalka Soomaaliya guud ahaan, waxa uuna si gaar ah uga faallooda xaaladaha ka jira gobollada Sanaag iyo Haylaan isagoo ka eegaya dhinacyada horumarka dhaqaalaha, caafimaadka, waxbrashada iyo dhacdooyinka siyaasadeed.
Bahda Maamulka iyo hawl wadeenada webka Xingalool News waxa ay ku dadaalayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wacyiga bulshada gobollada Sanaag iyo Haylaan, iyaga oo usoo gudbinaya warar wax ku ool iyo barnaamijyo kale oo xiiso badan.
Haddaba Cidii wax khaladaad ah ka aragta webka Xingalool News waxa uu diyaar u yahay maamulka webku inuu dhageysto aragtida kasoo hor jeeda isagoo ballan qaadaya in uu qaadan doona talo kasta oo wax ku ool ah.
Faahfaahin intaa dheer Fadlan kala xidhiidh maamulka webka:
Email: Xingaloolnews@gmail.com
Mahadsanidin