marxuum basiir barre samatar oo ka mid noqday dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay wadanka pakistan
Alle ha u naxariistee Ganacsade BASHIIR BARRE SAMATAR ayaa ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay wadanka bakistaan,Bashiir oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah magaalada Boosaaso ayaa ka mid noqday 152 ruux oo ku naf waayey shilkii diyaaradeed ka dhacay hawada magaalada Islamabad ee caasimada dalka Pakistan waxaana suurala gal in ay ku jiraan dadk kale oo soomali ah.
Bashiir barre samatar oo ku geeriyooday shilkan ka dhacay wadanka pakistan ayaa ka tegey magaalada Boosaaso isagoo magaalada dubai sii maray ka dibna u dhoofay wadanka pakistan halkaas oo ay ku nolaayeeen qoyskiisu.
Wadanka pakistan ayaa guud ahaan waxaa ka socda baroordiiq ku wajahan burburka diyaarada siday rakaabka ka kooban 152 oo ay dhamaantoodba dhinteen.
Waxaan marxuumka iyo intii kale ee islaama ee ku dhimatay shilkan diyaaradeed alle uga baryeynaa inuu u naxariisto
Xingaloolnews