nabadoon maxamuud ciise oo ka hadlay dagaalkii galgala iyo dilkii loo geystay marxuum jaamac
Nabadoon Maxamuud Ciise oo ka mida Nabadoonada Puntland ayaa siwayn u canbarayey Hadal ka soo Yeeray madaxwayne Faroole kaasi oo ahaa ,Waxaan Haynaa Maxbuus ka dibna ninkaasi dil lugu filayey iyadoo aan la marsiin sharciga Caalamiga ah isla markaasina aan dilka ninkaasi ka Oday ahaan u aragno Mid ka baxsan Qarsha dhaqameedka hore uga jirey Somaliya.
Maxa,uud Ciise ayaa yiri Maqabo anigu in Maxbuus aan denbi lugu hayn maxkamadna la keenin Meel cidla ah lugu dilo taasina waa arrin aan Odayaal ahaan Ka xunahay 100/100 Faroole waa Madaxwaynaha Puntland Hadalkii uu ka Yidhi idaacada BBSdana ha Ogaado inlayskaga daba imanayo oo aan uga fadhino cadayntii Jaamac Axmed ismaciil oo si Fool xun ay u Rifeen Ciidamo caraysan oo kataati dhac ah.
Nabadoonka ayaa sheegay inay beelaha degaanada Buuraha iyo galgala ka soo jeedaa  yihiin dad Amaanka jecel oo aan doonayn wax xumaan ah lakiinse looga baahanyahay dowlada Puntland inay Waddada sharciga ah wax walba u madho iyadoo aan laysku xadgudbayn.
Hadalka Maxamuud ciise ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili ay Warbaahinta Puntland qaarkeed si gaar ah Warar aan la hubin u sheegayaan dhinaca Buuraha galgala oo aysan Warar bisil ka faafinayn.
Dhahar+xingaloolnews