|

ciidamada dawlada federaalka oo dhaqdhaqaaq ka wada degaanka kalabayr ee gobolka hiiraan

Wararka ka imaanayaa gobolka hiiran ayaa la sheegayaa in degaanka kala bayr soo gaareen ciidamo taageersan dawlada fadalaraaka ah kuwaasoo ay weheliyaan ciidamo itoobiyaan ahi.

Ciidamadan oo isugu jira kuwii maamulkii hore iyo kuwa kale oo lagu soo tababaray gudaha wadanka itoobiya ayna weheliyaan kuwa itoobiyaanku ayaa waxay degaankaas ka wadaan dhaqdhaqaaq  ciidan kaasoo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada beledweyne ee gobolka hiiraan.

Waxaa iyaguna abaabul  ku jira ciidamada xarakada alshaabab oo iyagu gacanta ku haya magaalada beledweyne waxayna diyaar garow dagaal ka wadaan duleedka magaalada beledweyne.

Magaalada beledweyne ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaalo lagula kala wareegay iyadoo ay ugu danbayntii gacanta u gashay xarakada al shabaab ka dib markii ciidamadii xisbul islaam ay halkaas iskaga baxeen qaarkoodna ay ku biireen kuwa xarakada al shabaab.

Xingaloolnews

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply

300x250 [Inner sidebar Bottom Ad]