|

fatahaad ka dhacday wadanka china(sawiro)

Wararka ka imaanaya wadanka china ayaa waxa uu sheegayaa in fataheen labadii webi ee ugu weynaaawadanka china,fatahaadan ayaa waxaa ku dhintay dad tiradoodu gaarayso 950 qof halka aan la hayn dad gaadhaya 450 qof,

fatahaadan oo dhib weyn u gaysatay dadkii ku noolaa gobolka W/bari ee dalka chinaha ayaa ciidamada dawladu waxay dedaal ugu jiraaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dad gaaray ilaa 3500 oo qof oo ku xaniban guryahoodii waxayna dawladu gurmad  u fidisay dad gaaraya maalaayiin qof.

labada webi ee fatahay oo la yiraaho songhue iyo wende ayaa khasaare xoog leh gaarsiiyey dadkii ku nolaa gobolka jiline ee waqooyiga bari ee wadankaasi chinaha.

fatahaadan ayaa waxa sababay roobab lixaadle oo ka da’ay gobolkaas waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruhu intaa ka sii bato.

 

XINGALOOLNEWS

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply

300x250 [Inner sidebar Bottom Ad]