faallo:aragtida laga muujiyey golaha cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha somaliland
Madaxweynaha cusub ee somaliland oo ay dadku hanqal taagayeen qaabka uu u soo xulan doono golihiisa wasirada ayaa dadweynuhu aragti yaable ka muujiyey.
Axmed maxamed siilaanyo oo loo arkayey ruug cadaa siyaasi ah islamarkaasna la is lahaa wax ayuu ka bedeli doona qaabkii ay dawladii isaga ka horaysay u shaqayn jirtey ayaa wuxuu golihiisa wasiirada ku koobay hal beel ah taasoo uu isagu ka soo jeedo,isagoo beelihii kale ee reer somaliland aan wax la taaban karo ka siin golihiisa wasiirada.Beesha isaaqa ayaa iyadu waxay ka heshay golahan cusub 14 wasiir iyo wasiiro kuxigeeno,halka beelaha kale ay ka heleen 6 wasiir beelaha qaarkoodna lagaba tegay.
Axmed siilaayo oo isagu hore u sheegay inuu dhex u yahay beelaha somaliland ayaan ka run sheegin balan qaadkiisii markii uu olalaha doorashada ku jirey.
Aqoonyahan ka hadlay qaabku uu soo dhisay madaxweynuhu ayaa waxa uu yiri”xaalku waa meeshii cir laga filayey ayey ceeryaamo ka timid waana iska muuqataa in awrku dhinac keliya ka raran yahay beelaha kale xaalkoodu yahay ursiis”
Haddaba bal waxaynu eegi doonaa sida uu beelaha soamliland ugu cadaalad sameeyeo mar haddii uu talaabadiisii kowaad halkaa ka bilaabay.
Xingaloolnews