|

diyaarad rakaab ah oo ku burburtay caasimada wadanka pakistan(sawiro)

Diyaarad rakaab ah oo siday 152 qof ayaa ku burburtay hawada caasimada pakistan ee islamabad,Diyaaradan ayaa dadkii saarnaa oo dhami ku dhinteen,burburka diyaarada oo  nooceedu ahaa airbus ayaa ku firirsan kaymaha buureleyda  halkaas oo laga baadi goobayo meydadka dadkii saaraa diyaarada.

 Diyaarada dhacday waxaa lahayd shirkadada wadani ah oo la yiraaho Air Blue,waxayna ka duushay magaalada karachi ee dalkaasi bakistaan.Dad goobjoog ahaa waxay sheegeen inay arkeen dayuuradda oo ku duulaysa joog aad u hooseeya, qayb magaalada ka mid ah oo caadi ahaan ay mamnuuc ka tahay in wax dayuurado ah ay maraan. Waxay sheegeen in hawadu ay aad u xumayd, khuburo ah baarayaal ayaa igu waxay eegayaan qalabka duuba duulimaadka diyaaradaha, Qofna kama badbaadi diyaaradii Airblue ee ku dhacday buuraha Margalla Hills ee Islamabad

Waxayna dawladu ku hawlan tahay sidii ay uga soo saari lahayd meydka dadkii dhintay burburka diyaarada ilaa iyo hadana ay ka soo saareen ilaa iyo 116 qofood meydkoodii welina ay ku jiraan raadinta dadkii kale ee la rumaysan yahay in ay ku dhinteen shilkaas. 

Dadka saarnaa diyaarada Airbus A321 waxay isugu jireen 146 rakaab oo kal ah 110 rag ah  iyo 29 dumar ah iyo weliba 7 caruura waxaa kaloo  shilkaas iyana  ku dhintay shaqaalihii diyaarada oo ka koobnaa 6 qof.

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply

300x250 [Inner sidebar Bottom Ad]