xarakada alshabaab oo beenisay in ay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay puntland
Afahayeenka guud ee xarakada al shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii dhowaan ka dhacay gobolka bari aysan shaqo ku lahayn xoogag al shabaaab,waxana uu sheegay in dagaaladaasi u dhexeeyeen ciidamo deegaaneed iyo kuwa puntland,
Afhayeenku waxa uu sheegay in maamulka puntland shicibka ay ku hayso dulmi aad u weyn iyagoo hadda ka hor dagaal ku qaaday magaalada galagala xiligaas oo uu cade muuse hogaaminaayey maamulka puntland,
Cali maxamuud raage afhayeen xarakada al shabaab waxa uu sheegay in ciidamadii puntland ay iska caabin kala kulmee kuwii degaanka isagoo hoosta ka xariiqay in aysan ciidamadaasi ka tirsanayn kuwa alshabaab,
“dadka dhahay waxaa puntland ku dagaalamay xoogag alshabaab iyo ciidamada puntland warkaasi mid run ah maaha,dadka la dagaalmay waa kuwa degaan oo la dulmiyey isla markaasna la doonayo in deegaankooda khayraadka ku jira la daldasho caalamkana la maqashiiyo warar aan sal iyo raadtoona lahayn”
Hadalka afhayeen xarakada al shabaab ayaa waxa uu ku soo beegmay xili uu Madaxweynaha dawlad goboleedka puntland Mr C/raxmaan Faroole sheegay in dagaalkii dhacay uu dhex maray maamulka Puntland iyo Xarakada alshabaab warkaasoo oo uu beeniyey afhayeen Alshabaab.