|

mudaharaad ka dhacay degmada dhahar ee gobolka hayland

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Dhahar Mudaaharaad aad u balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen dadka deeganka Dhahar. Mudaaharaadkan oo dadka soo qabanqaabiyey oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjedaan in weerar lagu qaado buralayda magaalada Galgala, kadib marki uu dagaal kadhacay maalin kahor isla aagaasi.

Dagaalkani ayaa waxuu dhexmaray ciidamada dowlada puntland iyo ciidamada oo uu hogaaminayo Sh. Maxamed Siciid Atam ee galbeedka gobolka Bari. Dadkan ayaa waxay aad uga careysnaayeen hadaladii “qabaa’ilada hubka ha qaataan” ee uu madaxweyne mudane C/raxmaan Faroole jeediyey dhawaan iyo gabi ahaanba weerarka uu horey u iclaamiyey mudane Madaxweyne Faroole.

Dhanka kale waxaa kasocda magaalada Dhahar abaabul balaaran oo ladoonayo in lagu sameeyo dhexdhexxaadin nabadeed taasi oo ay hogaaminayaan dhaman nabadoonada ,waxgaradka  deegaankaasi iyo weliba wasiiro kasocda dowlad goboleedka Soomaaliyee ee Puntland,  waxaana larajaynayaa in waqtiyada soo socda ay u baxaan deegaankaasi wafti balaaran oo qabanaya howshaan dhexdhexaadinta ah.

DHAHAR+XINGALOOLNEWS

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply

300x250 [Inner sidebar Bottom Ad]