xildhibaano ka tirsan baarlamaanka puntland oo xilkii laga qaaday
Xeer ilaalayaha Guud ee Puntland ayaa maanta xilalkoodii ka xayuubiyay ilaa sedax xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamanka Puntland kadib markii lagu eedeeyay inay xariir la lahaayeen Jabhadda SSC.
Kadib markii golaha Wakiilada Puntland ay ka doodeen dacwad ay u soo gudbiyeen golaha wasiirada Puntland oo ku aadaneyd eedeyn loo soo jeediyay xubnaha Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo lagu eedeeyay inay xariir hoose la lahaayeen Jabahadda SSC oo dagaal kula jirta Maamulka Puntland ayaa xer ilaaliyaha guud ee Puntland waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay sedaxdaasi xildhibaan.
fadhigan oo soo xaadireen 52 xildhibaan ayaa waxaa ogolaaday in laga qaado xubinimada 26 mudane halka ay diideen 22 mudane waxaana ka aamusay 4 mudane
Xildhibaanada Xil ka qaadista lagu sameeyay oo kala ahaa Ibraahim Max’ed Guure, Ibshir C/casiis Sheekh Iyo Cumar Jaamac Suleymaan ayaa xer ilaaliayaha guud waxaa uu sheegay in golaha Wakiilada Puntland ay dacwad ka soo gudbiyeen xildhibaanadaani islamarkaana lagala noqday kalsoonidii ay u hayeen shacabka Puntland kadib markii ay ku kaceen sida uu sheegay qiyaano iyo musuq maasuq wax u dhimaya deganaasha deegaanada Puntland.
Xildhibaan ee xilalka laga qaaday oo iyaguna la hadlay Saxaafada ayaa waxaa ay sheegeen in aysan waxba ka jirin dambiyada lagu soo eedeeyay hase ahaatee ay ku qanacsanyihiin xil ka qaadista lagu sameeyay iyagoona sheegay inay la shaqeyn doonaan Maamulka Puntland
ayna ku qanacsan yihiin xil ka qaadista lagu sameeyaiyagoona sheegay inay lashaqeyn iin xil ka doonaan Maamulka Puntland
Xingaloolnews