Kusoo Dhawoow XingaloolNews l Kala Soco Wararka Dalka iyo Dibadaba
Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Ramadaanta oo lagu soo gabgabeeyey Muqdisho (Sawirro)
Waxaa shalay masaajidka dabaqeynka ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey tartanka qur’aanka kariimka ah ee bisha ramadaan kaas oo uu soo qaban qaabiyey xafiiska dacwada ee xarakada Alshabaab Almujaahidiin, waxaana tartankan ka qeyb galay ardey ka kala socota ilaa todobo gobol ama wilaayo oo ka mid ah sagaalka gobol ee  ay gacanta ku hayaan xoogaga Alshabaab oo kala ah: labada Jubbo, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha hoose, Shabeelaha dhexe, Banaadir iyo Hiiraan.
Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka mid ah reer Muqdisho iyo waliba masuuliyiin ka tirsan xarakada Alshabaab oo iyadu soo qaban qaabisey tartankan oo uu ka mid yahay Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere iyo waliba Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Ugu horeyn Xaflada waxaa furay Sheekh Abu Ruqiya oo ah Masuul ka tirsan Maktabka Dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, gaar ahaan qaybta quraanka Kariimka.
Sheekh Abu Ruqiya wuxuu halkaa ka bilaabay in uu mid mid ugu yeero dhammaan ardaydii kaalmaha hore gashay iyo kuwii aan galin intaba, mid kastana waxaa la gudoonsiiyay lacag dolar ah, saacad kaasiyo ah, Shahaado iyo alban quraan ah, waxana dadwaynihii daawanayay mar kaliya takbiir ku dhufteen markii ay maqleen ardaygii koowaad oo magaciisu ahaa Maxamed Aadan Cigaal da’diisuna ahayd 12 jir, yarkaasi oo la gudoonsiiyay labo kun oo dolar $2000, saacad kaasiyo ah, alban quraan ah, iyo shahaado, wiilkaasi oo ku tartamayay 30-ka jus una tartamayay wilaayada gobolada Jubbooyinka.
Dhammaan ardaydu waxay ka simanyihiin alban quraan ah, shahaado, iyo saacad, hadaba halkan hoose ka ka akhri shaxda magacyada ardayda sida ay u kala guulaysteen iyo wilaayooyinka ay u tartamayeen iyo lacagaha abaalmarinta ay u heleen intaba.
Magaca ardayga
Jusaska
Wilaayada
Abaal marinta
1
Maxamed Aadan Ciqaal
30-ka jus
Jubooyinka
$2000
2
Cabdiraxmaan Cabdilahi
30-ka jus
Banaadir
$1500
3
Anas Macalin Isxaaq
30-ka jus
Bay&Bakol
$1000
4
Cabdilaahi M.Max’ud
15-ka jus
Banaadir
$  800
5
Muslix Maxamed Diriye
15-ka jus
Sh.Hoose
$  600
6
C/samad Maxamed
15-ka jus
Jubooyinka
$  500
7
C/Rashid Maxamed
5-ta jus
jubooyinka
$  400
8
Liibaan Macalin C/lahi
5-ta jus
Banaadir
$  300
9
Isxaaq Cabdi Ibraahim
5-ta jus
Bay&Bakol
$  200
Sidoo kale dhammaan ardaydii aan kaalmaha galin waxaa lasiiyay midkiiba $200 labo boqol oo dolar, shahaado, alban qur’aan ah iyo saacad kaasiyo ah.
Kadib halkaasi waxa ka hadlay Masuuliyiin uu ka  mid ahaa Sheekh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo marka hore u mahad celiyay waalidiintii iyo macalimiintii kusoo dadaalay ardaydani inay heerkan soo gaaraan, waxaanu booriyay inay dadaalka sii wadaan oo ardaya ay baraan Tafsiirka quraanka Kariimka ah, waxaanu xusay in gobolada qaar uu kusoo arkay 12 jir la xifdisiiyay tafsiirka quraanka kariimka ee ibnu kathiir.
Sheekh Cali wuxuu intaasi raaciyay in ay jiraan macalimiin quraan oo lagu dhibaataynayo goobaha ay gacanta ku hayaan Murtadiintu kuwaas haatan ku jira xabsiyo tacadiyo loogu gaysaanayo wuxuuna ilaahay uga baryay in uu kasoo daayo.
Kadib halkaasi waxaa ka hadlay Sheekh Mukhtaar Cali Abuu Mansuur, waxaanu yiri dadkii waxay u jeesteen dhinaca quraanka iyo diinta, waxaanu xusay in gaalo usoo duushay oo ay diidantahay quraanka kariimka ah, waxaanu yiri “Bahuuke iyo asxaabtiisu uma joogaan wax kale oo aan ahayn in kitaabkaasi ay ka hortagaan”.
Ugu dambayn sheekh Abuu Mansuur wuxuu dadka kula dardaarmay in aan lakala reebin kitaabka quraanka ah iyo qoriga Ak 47 oo ah kii lagu ilaalinayay kitaabka.
Source: Alkataaib
Agaasimihii HorseedMedia oo maanta la horkeeney Maxkamada Racfaanka Bosaso.
Waxaa maanta la horkeenay maxkmadda rafcaanka ee Gobolka Bari Cabdifataax Jaamac Mire agaasimaha Horseed Media oo 22-kii casho ee la soo dhaafey ku xirnaa Xabsiga weyn ee magaalada Bosaso, kadib markii lagu xukumey 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed, taas oo uu ku muteystey waraysi ay idaacaddu ka qadey nin dagaal kula jira maamulka Puntland Shiikh Maxamed Siciid Attam.
Maxkmadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne aad u faro badan dhamaan suxufiyiinta ka hawlgala Bosaso, saaxiibada Cabdifataax, Qaraabadiisi iyo weliba garyqaano badan oo u doodaayey Cabdifataax Jaamac Mire.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadley Xeer-ilaaliyha Maxkmadda waxa uu soo gudbiyey dacwadda uu ku soo oogay Cabdifataax Jaamac Mire, waxaana uu sheegay in Cabdifataax uu qabtey qodobka 220 oo ah Qaran dumis kadib markii uu waraystey nin cadow ku ah Puntland, waxaana uu codsadey in aan Cabdifataax maxkmadda dib loogu soo celin mar danbe uuna yahay sidii loo xukumay.
Sidoo kale waxaa ka hadlwey maxkamadda Qareenada difaacaayey Cabdifataax, kuwaas oo kala ahaa Avv. Siciid Cismaan Dhegamadow iyo Avv. Xareed, waxaana ay ku muujiyeen dacwadooda in aan Cabdifataax gelin denbi ah Qaran dumis, isla markaana ku muteysan karin xabsi caynkaas ah iskaba dhaaf in la xiree in sharciga lagu xirey uu yahay mid aan dastuuri ahayn loona baahan yahay in Cabdifataax isla maanta uu helo xoiriyadiisi, dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ayaa aad ula dhacay qaabka ay qareenado difaacooda u soo diyaariyeen.
Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaanka gobolka Bari Shiikh Nuur Maxamed ayaa intaas kadib hadalkii siiyey Dhibane Cabdifataax Jaamac Mire agaasimihii Horseed Media waxaana uu weydiiyey sida uu arko xariga lagu xukumey in uu muteystey iyo waxa uu ka dalbanaayo Maxkmadda.
Cabdifataax Jaamac Mire ayaa sheegay in waraysiga lagu xirey aanu ahayn mid uu ku muteysan karo xarig, waxa uu sheegay in waraysi kale oo inta ka dheer oo lala yeeshay Maxamed Siciid Attam in Raadiyaha laga siidaayey, waraysigaas oo lagu qaadey Paltalk isla markaana la soo geliyey Internetka isla markaana Madaxda Puntland ay waraysigaas soo wada qaateen iyaga oo sheegaaya in Attam al-Shabaab yahay, waxaana kamid ahaa Madaxda tusaalaha waraysigaas u soo qaatey Madaxweynaha Puntland, cid nagu xirteyna ma jirto waraysigaas, kana waa sidoo kale waraysi caadi ah ayuu ahaa. Cabdifataax ayaa Maxkmadda ka codsatey in xoriyadiisa dib loo siiyo.
Markii Cabdifataax sidaas sheegay waxaa gooni isula baxay Xaakimiintii Maxkmadda ee go’aanka gaari lahaa, waxaana ay wada tashi kadib soo fariisteen dadweynaha hortooda, waxa ay sheegeen in dacwadda uu soo oogey xeer-ilaaliyuhu aaney ahayn mid dhamaystiran, waxaana ay amar ku siiyeen in Xeer ilaaliyuhu in uu la yimaado dacwad dhamaystiran midda hadda uu soo ogeyna aysan ahayn mid dhamaystiran, sidoo kale waxa ay  go’aan ku gaareen in Cabdifataax  xabsiga lagu sii hayo.
Maamulka sare ee Horseed Media Mahad Muuse Axmed iyo Eng.Ismail Haji Said ayaa mar kale sheegay in Cabdifataax Jaamac Mire uu ku xiran yahay sifo aan sharci ahayn, Mahad Muuse Axmed ayaa sheegay in ay muujiyeen dulqaad, arintana ay ku dhamaan doonto guul iyo Cabdifataax oo hela xoriyadiisi maalmaha soosocda.
Xigasho::  Horseed Media
Hambalyo Dhalasho…
Gabi ahaanba dadka hoos ku qoran waxay halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaan Mudane: Axmed-Shaakir Cawil  Jaamac oo wiil ugu dhashey Magaalada Laascaanood 30/8/2010 wiilkaasna waxaa loo bixiyey (Muxsin Axmed Shaakir), Muxsinoow noqo kii anfaca dalka, dadka iyo diintaba Aaamiin.
Dadka Diraya Hambalyadan:
Maxamed Cawil Jaamac
Axmed Jaamac Faarax
Bashiir Xaaji Maxamed
Cali C/raxmaan Ciise
Axmed Baashe Cismaan
Siciid Buulle Xasan
C/casiis Bile Maxamed
Aamin Maxamed Xasan
Xaawo Cawad Jaamac
Axmed Maxamed Xaaji
Ikraan Cabdi Cawad
Siciid C/risaaq Maxamed
C/raxmaan Ciise Maxud
Ismaaciil Cabdi Shabeel
Axmed Maxamuud Maxamed
Racwi Saalax Jaamac
Maxamed C/raxmaan Saalax (Jabuuti)
Yuusuf Maxud Faarax
Canab Ducaale Axmed
Axmed Maxamed Xasan
Cumar Axmed Fardaale
Siciid Cabdi Cabdalle
Siciid Axmed Warsame
Cosob Maxamud Guhaad
Zeynab Cawil Jaamac
Dhamaan Dadkaas iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin oo kala joogaa Bosaso, Xingalool, Dhahar, Badhan, Ceerigaabo, Hargeysa, Laascaanood, Yugandha, India, England, Denmark  iyo waliba America, waxay hawada u marinayaan  hambalyo wiilka dhashey waxayna leeyihiin ilaahay haka dhigo mid barakeysan oo anfaca dalkiisa  dadkiisa iyo diintiisaba, Annaguna waxaan leenahay
Aamiin,,,Aamiin,,,Aamiin.
Saxafiyiin Nairobi kula kulmey African Union Commision (Sawirro)
Kulan balaadhan oo looga hadlay is taraatiijiyad  ay Amisom ka Leedahay Dagaalada ka Aloosan Somaliya Gaar ahaan Muqdisho ayaa ka dhacay Hotel Sarenna ee Magaalada Nairobi, Kulankaasi ayaa inta badan la Casumay Wariyaasha Warbaahinta Caalamka iyada oo si Gaar ah Gogosha Loogu Fididyay Kuwa Somaliya oo dalkooda Colaadi ka Oogan tahay.
Xu kigeenka Ninka  African Union Ninka u qaabilsan Somaliya Mar Kikus ayaa Shirkaasi ka hadlay isaga oo Saxaafada uga war bixiyay 2-Isbuucii ee ugu danbeeyay dagaaladii qadhaadh ee ka dhacay Muqdisho.
Masuulkaasi waxa uu sheegay isaga oo Khariirada Somaliya Meesha ku soo Bandhigay inay dhawaan Gabi ahaanba ay Al-Shababa Bara Bixinayaan oo ay ka Suulinayaan Gooba badan waa sida uu Hadalka u dhiagaye,sidoo kale waxa uu Cara baabay oo Beeniyay War sheegaya in ay Ammisom  Beegsadeen Gooba badan oo Ganacsi Ayna Ku Naf waayeen Somali  badan arinkaasi ayuu ku Tilmaamay Mid la Buun Buuniyay.
Wariyaasha ayaa Su’aalo Waydiiyay waxana inta badan la Waydiiyay Wax Ay African Union ka Dabceen Somaliya hadii wali Xaaladii Meeshii Marayso.
Daawo Sawirada Hoos
Sidoo kale Wariye Somaliyeed aya Su’aalay Masuuliyiintii Kulan Wareedka qabtay in lagu eedeeyo Amisom Garaacida Goobaha Shacabka Marka ay Weerar kala Kulmaan Al-Shabaab waxana uu Tusaale u soo qaatay Suuqa Bakaaraha.
Gaba Gabadii Kulankaasi ayaa Wariyaasha loo sheegay inay Faafiyaan Wararka Dawlada Wadaaga ah ee TFG si Meesha Looga Saaro bay Yiraahdeen Kooxaha Mayalka adag ee Nabada Diidan.
Source::: GalgalaNews.com+XingaloolNews.com
cashar kooban oo ku saabsan zakaatul fitriga
Sharci ahaan sakaatul fitrigu waa waajib,qof kasta oo soomayna waa laga doonaya in uu la yimaado,waxaana Allah loogu mahadcelinaya nicmada waafijinta soonka iyo u istaagidda salaadda taraawiix,waxaana loo baahan yahay in laga bixiyo qofka da’da ah,qofka yar,labka iyo dheddigga,Ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:rasuulka sallallaahu calayhi wasallama wuxuu ku waajibiyay sakaatul fitriga qof kasta oo xor ah ama addoon ah (waa dadkii la haysan jiray) ama lab ah ama dheddig ah ama qof weyn ah ama qof yar ah oo ka tirsan dadka muslimiinta ah,hal madaal ama suus oo timir ah ama hal suus oo heed (shaciir) ah,wuxuuna amray rasuulku in la bixiyo inta aysan dadku u bixin salaadda,waxaa xadiiskan soo weriyeen kooxda,kooxdana waxaa loola jeeda sidii aan horay u soo sheegnayba Bukhari, Muslim,Imaam Axmed,Abuu Daawuud,Tirmidi,Ibnu Maaja iyo Nasaa’i.
Sakaatul fitriga waxaa fiican in la bixiyo inta u dhexaysa salaadda fajarka iyo salaadda ciidda,haddii maalin iyo labo maalmood ciidda ka hor la bixiyana dhib ma lahan,Ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:rasuulka sallallaahu calayhi wasallama wuxuu waajibiyay sakaatul fitriga,si uu qofka soomay uga daahiriso hadalladii xumaa ee afkiisa ka baxay iyo wixii fuxshi ah ee ka dhacay oo hadal ah,masaakiintana ay ugu noqoto kaalmo xagga cuntada ah,qofkii salaadda ka hor bixiya waxay u noqonaysa sako la aqbalay,qofkii bixiyana salaadda dabadeed waxay u noqonaysa saddaqo ka mid ah saddaqooyinka la baxsado,xadiiskan waxaa soo weriyeen Abuu Daawuud iyo Ibnu Maaja.
Dadka Shaaficiyada ah waxay qabaan in sakaatul fitriga la bixin karo maalinta ugu horraysa ee ramadaanka,a’imaada kalena waxay qabaan in la bixin karo maalin ama lamo maalmood ka hor maalinta ciidda,dad badana waxay qabaan in ay fiican tahay in la bixiyo salaadda ciidda ka hor,sida ku xusan axaadiista nebi Muxammad sallallaahu calayhi wasallamana sidaas weeyaan oo waana sharci in la bixiyo salaadda cidda ka hor,waxaana nalaga doonaya in aan raaco sida uu amray rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama.
Waxa la bixinayo sakaatul fitriga waxay kaloo noqon kartaa sida ay fuqahadu sheegeen  waxyaabaha ay quutaan ahlu baladka,macnaha waxa ay markaasi cunaan dadka ahlu baladka ah,nebiga sallallaahu calayhi wasallama wuxuu ku xaddiday bixinta Saac,waana mug u dhiganta 2.5 kilogram,haddii ay tahay bur ama bariis iyo wax la mid ahba,labada sheekh saxiixooduna waxaa ku xusan in Abi Saciidin al-Khudriyi Allaha ka ka raalli noqdee uu yiri:waqtigii uu rasuulka sallallaahu calayhi wasallama nala joogay waxaanu bixi jirnay sakaatul fitriga,madaal ama suus oo badar ah ama madaal timir ah ama suus beed ah ama madaal sabiib ah,waxaa xadiiskan werintiisa isku raacay labada sheekh ee Bukhari iyo Muslim.
Gabar soomaliyeedoo kaalinta koowaad ka gashay tartan quraan oo 21 waddan.
Gabar Soomaali ah ayaa kaanlinta koowaad ka gashay tartan Qur’aan akhris ah oo ay ku tartamayeen Arday ka kala socotay 21-dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Tartankaas oo ka dhacay magaalada Teipoli ee dalka Liibiya ayaa waxaa ku guuleystay kaalinta koowaad gabar yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Xafsa C/raxmaan
Guddiga ay dowladda Liibiya u xil saartay tartankan Qur’aaan akhriska ah ayaa gabagabadii ku dhawaaqay in Xafsa C/raxmaan ay tahay ardayadda koowaad ee kaalinta koowaad ka gashay, halka kaalinta labaad uu galay wiil u dhashay dalka Suudaan, kaalinta saddexaadna uu galay wiil u dhashay dalka Marooko.
Tartankan Qur’aan akhriska ah ayaa ah mid ay dowladda Liibiya sanad kasta u qabato arday ka kala socota waddamada Islaamka oo dalka Soomaaliyana uu ku jiro.
Gabadha da’da yar ee u dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa laga waday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo ah goob ay dadka reer Muqdisho badankood ku barakaceen.
Meydadkii Amisom ee ku dhintey Muqdisho oo la gaadhsiiyey Kampala si loogu aaso.
Meydadka Askarta ku dhimatay Madfacaasi oo ah Afar askari oo u dhashay dalka Uganda ayaa loo qaaday dalkoodi Si loogu sameeyo Aas qaran.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Entebbe qeybtiisa milatariga ku qaabilay meydadka, Sarakiil iyo Cutubyo katirsan Ciidamada qaranka Uganda oo uu horkacayay abbaanduulaha ciidamada dhulka ee dalka Uganda Gen. Katuma Wamala kaasoo sheegay in geerida Askartiisa aysan marnaba wax cabsi ah ku abuuri doonin dowlada Uganda oo uu sheegay in ay sii wadeyso kaalinteeda ay ku leedahay howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Gen. Katumba ayaa sheegay in ay yaryihiin Ciidamada Nabad ilaalinta ee Joga Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay guud ahaan dalalka Afrika ee Balan qaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya in ay fuliyaan balan qaadkooda.
Waxaa sidoo kale diyaarada saarnaa 30 ka tirsan askarta Uganda ee hawlgaladda u jooga Soomaaliya kuwaasoo fasax soo qaatay.
9 ka tirsaneyd 14 askarta Uganda oo ku dhaawacmay weerarkaas hoobiyaha ayaa iyaguna loo duuliyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay u helaan adeeg caafimaad kadib markii dhaawacooda wax looga qaban waayey xarun isbital ay AMISOM ku leedahay magaalada Muqdisho.
Sunnada ICTIKAAFKA iyo Axkaamtiisa (Qormo Diini Ah)
Nabiga (NNKH) waxa hadyigiisa ka mid ahaa inuu ictikaafi jiray 10 maalmood oo ka mid ah Ramadaan, sida uu warinayo Muslim, Saxabiga la yiraahdo Abii saciid Al-khudari waxaa uu yiri : Nabigu wuxuu ictikaafay 10ka ugu horeeya e Ramadaanka, haddana wuxuu ictikaafay 10ka dhexe markaa dabadeed ayuu Nabigu (NNKH) yiri :
“Waxaan ictikaafay 10ka hore anoo raadinaya habeenkaas qadriga, markaasaan haddana ictikaafay 10ka dhex,markaasaa la ii yimid oo waxaala igu yiri : Waxaa uu habeenkaasi ku jiraa 10 ka danbe, ee qofkii doonaya inuu ictikaafo ha ictikaafo 10kaas danbe“.
Waxaa kaloo Bukhaariga ku sugan  in Sanadkii uu geeriyoonayay Nabigu ictikaafay 20 cisho.
Maxaa loola jeedaa Ictikaaf :
waa in qofku uu ka fogaado oo ka dhex baxo dadka si uu ugu firaaqoobo daacada Allaah, isagoo ku gudaya masjid ka mid ah masaajida Allaah, raadinayana fadligiisa iyo abaalmarintiisa iyo inuu haleelo habeenkaas qadriga.
Maxaa la gudboon Qofka ictikaafka ku jira :-
Waxaa la gudboon qofka ictikaafka ku jira inuu ku mashquulo Qur’aan akhris, dikriga Allaah. salaad iyo cibaado oo dhan. waana inuu ka fogaado wax kasta oo aan qiimo ku fadhin oo sheeko addunyo ah, dhibse ma laha in uu wax xooga sheeko banaan la qaato ehelkiisa ama dadka kale, taasoo ah hadal maslaxo ku jirto. Safiya hooyadii Mu’miniinta (Allaha ka raali noqdee) waxay tiri : Nabigu (NNKH) wuxuu ahaa mid ictikaaf ku jira, markaasaan ku soo booqday masjidka habeen ka mid ah habeenadii uu ictikaafka ku jiray, cabaar baan u soo sheekeeyay, dabadeedna waan ka soo tagay oo u soo dhaqaaqay xaggii aqalkayga, nabiguna wuu ila istaagay “. waa Mutafaq
Waxaase ka xaaraan ah qofka ictikaafka ku jira inuu u galmoodo xaaskiisa iyo wax kasta oo hordhac u ah arintaas, sida : dhunkashada, taa-taabasho shahwo ku dheehan tahay, waayo Allaah( Subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa ” Ha u galmoonina xaasaskiina, idinkoo ku jira ictikaafka “.
Sidoo kale masaajidka kama bixi karo , laakiin haddii jirkiisa qaar uu ka bixiyo dhibi kuma jabna, waxaana u daliil ah xadiiskii Caa’isha(Allaha ka raali nodee) waxay tiri : Nabigu(NNKH) waxaa uu ahaa mid madaxiisa ka soo bixiya masjidka isagoo ictikaafsan, markaasaan u dhaqi jiray madaxa, anigoo caado qaba.
Sheekh Muxamed Al-cuthaymiyiin ( Allaha u naxariistee ) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa loogu magac daray “MAJAALIS SHAHRI RAMADAN ” : Ka bixitaanka uu qofka muctakifka ahi ka bixayo masjidka dhamaan jirkiisa waxaa loo kala qaadayaa 3 qaybood:-
1.- U bixid arin lama huraan ah dabci iyo diin ahaanba, sida kaadi iyo saxaro. weeso, janaabo ka mayrasho IWM, ama sidoo kale cunto iyo cabitaan, arimahaas waa ay u banaan yihiin inuu u baxo, haddii uusan ka heleynin masjidka dhexdiisa, laakiin hadday u suuragal tahay inuu ka helo masjidka oo arimahaas oo dhan uu ku gudan karo masjidka dhexdiisa ma baxaayo, sida masjidka oo leh meelo lagu qubaysto ama weeseysto, ama uu heli karo cid cuntada ugu keeneysa masjidka, markaa bixitaan waa ka mamnuuc.
2.- U bixitaan arin daaco ah , aanse ku waajib ahayn sida : booqasho qof jiran, Jinaaso uu raaco IWM. arimahaas uma baxayo oo ma samaynayo illaa inuu ku shardiyay markuu ictikaafka bilaabayay mooyaane, tusaale ahaan: waxaa jira qof qaraabo ah oo xanuunsan , uuna qofkan muctakifka ahi aad u jecel yahay inuu soo booqdo, amaba uu ka baqayo in uu dhinto intuu ictikaafka ku jiro, markaa wuxuu shardinayaa marka uu bilaabayo ictikaafka inuu u bixi doono booqashada qofkaas, sidaa darteed wax dhib ahi kuma jabna bixitaankaas.
3.- Inuu u baxo arin ka hor imanaysa ictikaafka, sida inuu u baxo wax soo iibsasho ama wax beecin, xaaskiisa oo uu soo jamaaco ama u tago, inuu la soo baashaalo IWM, arimahaas lama samaynayo, loomana shardinayo ictikaafka, waayo maba la ogola inta lagu guda jiro ictikaafka , waana arimo ka horimanaya macnihii iyo ujeedadii ictikaafka.
Sidaa awgeed  waa arin khlad ah sida ay yeelaan dadka qaar ictikaafka ku jira oo habeenka ciidu soo dhowdahay u baxa in ay dharkii ciidda soo gataan, waayo macnihii bay ka hor iman, waxaana haboon qofku inuu diyaarsado dharkiisa ciidda iyo holwlaha ciidaba intaan la gaarin 10ka danbe.
Wuxuuna ictikaafku dhamaanayaa oo ku egyahay marka lagu dhawqqo ciidda oo la xaqiijiyo in bishii Shawaal ay curatay.
Waxaa qoray:
Abu-cabdirahman
C/rizaaq Sugulle M.
Source: Somalimemo.net
Macalimiin kasoo qalinjabisey jaamacadda Camuud oo soo gaadhay Degmada Xingalool (Sawirro)
Waxaa Degmada Xingalool ee gobolka Haylaan soo gaadhay dufcadii ugu horreysey oo ka mid ah tiro macalimiin ah oo kasoo qalin jabiyey jaamacada Camuud University ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal kuwaas oo kadib laba sano oo ay ku jireen waxbarasho iyo dadaal dheer dib usoo guryo noqdey.
Macalimiintan soo gaadhey Degmada Xingalool ayaa dhiganayey jaamacada Camuud kulliyada tababarka macalimiinta (Fuculty Of Education) muddo laba sano ah, iyagoo haddana kasoo qaatey shahaadada (Diploma Of Teacher Training), waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey dufcadan maclimiinta ah oo tiradoodu gaadheyso saddex macalin Degmada Xingalool.
Wali waxaa la filayaa iney maalmaha soo socda yimaadaan macalimiin kale, waxayna dadweynaha deegaanku farxad weyn ka muujiyeen wiilashoodii oo kadib muddo laba sano ah oo ay waxbarasho ku maqnaayeen maanta yimi iyaga oo diyaar u ah iney dadkooda uga faaiideeyaan wixii ay soo barteen.
Macalin Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah macalimiinta soo qalinjabisey oo ay noo suura gashey inaanu wareysano ayaa nooga warbixiyey safarkoodii jaamacada camuud iyo mudadii labada sano ahayd ee ay la lagdamayeen waxbarashada jaamacada, waxaanu sheegey in dadaal dheer kadib ay kusoo guuleysteen iyaga oo kaalmaha hore u galay ardeydii ay la dhiganayeen kulliyada waxbarashada.
Macalin Maxamud ayaanu weydiiney iney jireen ardey kale oo ka socotey mandiqadda oo iyagu jaamacada Camuud wax ka baraney waxa uuna noo sheegey iney halkaas la joogeey ardey kor u dhaafeysa 20 ardey kuwaas oo ka kala socdey gobollada  Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka bari kuwaas oo kala dhigta sagaalka kulliyadood ee ay ka kooban tahay jaamacada Camuud, waxaana qaar ka mid ahiba iminka ay ka muuqdaan sawiradan qalin jabinta ardeyda.
Jaaliyada Reer Xingalool ee qurba joogta ah ayaa iyagu dadaal weyn ku bixiyey horumarinta Degmada Xingalool waxayna deegaanka ka wadaan mashaariic horumarineed oo badan iyaga oo si gaar ah isugu taagey bixinta kharashka waxbarasho iyo masruufka macalimiintan labadii sano ee ay joogeen magaalada, Borama, waxaana si gaar ah ugu mahadiyey kaalintaa libaax ee jaaliyada qurba joogta ahi ay buuxiyeen dhamaan waxgaradka degmada Xingalool.
Macalimiintan ayaa la filayaa dhowaan iney ka shaqo bilaabaan dugsiga sare ee Xingalool Secondary School oo hore ay wax uga dhigi jireen macalimiin reer Boorama ah balse maanta ay iyagu buuxiyeen booskii macalimiintaas waana markii ugu horreysey oo dhamaan macalimiinta dugsiga sare ay  wada noqdeen dad u dhashey degmada Xingalool.
Isku soo duuboo waxaa si farxad iyo reyn reyni ku jirto ugu soo dhoweeyey magaalada isimada, culimada iyo waxgaradka degmada iyaga oo shirar ay la qaateena is wareysi iyo xog warran ba ku kala bogtey waxaana dhowaan la filayaa in loo qabto macalimiintan xaflad soo dhoweyn.
Halkan ka daawo xafladii qalin jabinta macalimiintan ee Jaamacada CAMUUD Borama.
Ogeysiis: Shirka Jaaliyadda Reer Maakhir ee East Africa – Nairobi.
Waxa Dhawaan Waxa La qabandoonaan Shirka  oo ay isugu Yimaadaan Jaliyada Maakhir ee East Africa SHirkaasi ayaa ka dhacaya Dalka Kenya Gaar ahaan Nairobi, waxana looga hadlayaa Arimo badan oo ay ka Mid tahay isku xidhnaanshaha Bulshada Balaadhan ee Deegaanka kuwooda Qurbaha Jooga
Shirkaasi ayaa sidoo kale lagu soo qaadayaa Xaalada Deegaanka GalGala ka Cusboontay iyada oo Jaliyada oo isku Duuban ay Moojinayaa Dareenkooda ku Aadan Arintaasi GalGala.
Shirka waxa lagu Casumay Xildhibaano iyo Masuuliyiint Deegaanka Metela sidoo kale Ganacsato, iyo Qurba Joog ayaa Hadalo  ka Jeedinaya.
In kastoo aan wali la Cayimin Goobta haddan waxa Socota qaban qaabo Xoogan oo ku aadan Kulankaasi
La xidhiidh-Gudiga Qaban qaabada
254-722911171- Gudiga Qaban Qaabada” Saleebaan
Ama 25471-7680061-Mukhtaar Qaayib Or 254722924556- Liibaan
254718302531- Jaama A.Feyte.