Waxaa Degmada Xingalool ee gobolka Haylaan soo gaadhay dufcadii ugu horreysey oo ka mid ah tiro macalimiin ah oo kasoo qalin jabiyey jaamacada Camuud University ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal kuwaas oo kadib laba sano oo ay ku jireen waxbarasho iyo dadaal dheer dib usoo guryo noqdey. Macalimiintan soo gaadhey Degmada Xingalool ayaa dhiganayey [...]
